tallaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

tallaal
(m.l) (-llo, m.dh)

(daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.

tallaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Tallaal ku samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tallaal

abaqaal [m.l]
Tallaalidda laan geed laga soo gooyay lagu tallaalo geed kale. ld abqaalid.

abaqaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Laan geed laga soo gooyey geed ku tallaalid.

bangalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.

dhiraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray ahaansho (cunto, cabitaan iwm).

dhiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iwm ku darid.

geednugeyl [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geedaha intooda lafta jilicsan, abaarta u adkeysi yar ee si sahlan loo tallaali karo, mirihiisa dhaqso u bislaadaa.

kahortag [m.l]
(daaw.) Hab walba oo looga hortago cudurrada, sida: tallaalka gawraca-tada iyo kixda, ama falooreynta oo looga hortago suuska ilkaha caruurta.

kahortagga-cudurrada [m.l]
(daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.

moos [m.l] (-sas, m.l/-syo, m.l)
1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg