tallaalan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la lallaalay noqosho.

tallaalan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax la tallaalay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tallaalan ↴

bangalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.

tallaalnaan [m.f.dh]
eeg tallaalan². ld tallaal-naansho.

tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
(daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.

tallaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Tallaal ku samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg