tallaalid
(m.f.dh)

eeg tallaal³.

tallaalid
(m.dh)

(daaw.) Hab loo sameeyo ama loo kiciyo difaaca jirka oo liddi cudur ku ah iyadoo la adeegsanayo “tallaal”, ama diyaarin khaas ah ee walax antiijineed oo kicineysa sameynta antiiboodhiga ku ha-boon.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tallaalid

abaqaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Laan geed laga soo gooyey geed ku tallaalid.

dhiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iwm ku darid.

tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
(daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.

tallaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Tallaal ku samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg