toxob
(m.dh) (-bo/-byo, m.l)

1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toxob

yaxaas [m.l]
(c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.

artaraboodha [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.

sanoobir [m.l]
Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg