tuf
(m.dh)

1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.

tuf
(m.dh)

(daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).

tuf
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-fay, -ftay)

1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuf

xaafood [m.l]
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.

haatuf [m.l]
ld haatif. haatif

saaruq [m.dh] (-qyo, m.dh)
Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.

xaakoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xaako tufid.

xaaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Xaako tufid.

abuutufaax [m.l]
A. ah: macwiis tufaax astaan u ahi ku sawiran yahay.

candhuuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Ku c.: cid candhuuf ku tufid.

candhuufee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Candhuuf marin. 2. Candhuuf ku tufid.

fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.

joohaarad [m.dh]
1. Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min afar dhibcood ku leh. 2. Wax if bixiya oo masjoohaarku habeenkii markuu ugaarsanayo soo tufo.

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg