tufaax
(m.l)

Geed dhalo miro aad u macaan oo midadbkiisu guduudyahay ama cagaar iyo cillaan isku darsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tufaax

abuutufaax [m.l]
A. ah: macwiis tufaax astaan u ahi ku sawiran yahay.

fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.

malmalaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Macmacaan laga sameeyo qudaar kala duwan siiba babbay, tufaax, cananaas iwm oo la cuno.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg