tuhun
(m.l)

Shaki; male; bidaal; dareen.

tuhun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-hmay, -huntay; -hmi)

Ku t.: fal inuu dhacay malayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuhun

eedaysane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.

dabaggal [m.l]
1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.

dareen [m.l]
1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.

minfilaad [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Tuhun yar oo cid loo qaado. 2. ld minfilaadid.

minfilaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Ka m.: tuhun yar cid u hayn.

tuhmee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
ld tuhun².

tuhmeysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid tuhun ku abuurid.

tuhmid [m.f.dh]
eeg tuhun². ld tuhmeyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg