tukad
(m.l)

ld tukasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tukad

casar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.

cishe [m.l]
1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.

duhur [m.l]
1. Waqtiga u dhexeeya harka ilaa casarka. 2. Salaadda xilliga la tukado.

eg [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4]
(ekaa, ekayd) 1. Arrin in la yeelo ku wanaagsan ahaansho. Tus. “Waxaa eg in salaadda waqtigeeda la tukado”. 2. Ku e.: wax aan meel dhaafin ahansho. 3. U e.: wax, wax kaale ay qaabka isaga mid yihiin ahaansho. 4. La e. ama le'eg: wax, wax kale la jin ah ahaansho.

janaaso [m.dh]
1. Waxa meydka loo sameeyo, kolka uu dhinto taniyo kolka laga aaso. 2. Qaadidda meydka, meesha uu ku dhintay, taniyo xabaalaha. 3. ld jinaaso. Tukashada (salaad) meydka lagu tukado. ld jannaaso.

sajaayad [m.dh] (-do, m.l)
Salli yar oo lagu tukado. ld sijaayad.

salli [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Duco gaar ah oo Muslimiintu Nabiga ugu duceeyaan. 2. Gogol yar oo lagu tukada. 3. Derin yar.

sallikaroon [m.dh] (-nno, m.dh)
Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.

sunno [m.dh]
1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. ld sunne.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg