tuke
(m.dh) (-kayaal, m.l/dh)

Shimbir madow oo hilibka cuna.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuke

waaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.

iltuke [m.l]
(bot.) Geed yar oo dhulka ku faallala oo miro yaryar oo la cuno leh.

tukanuug [m.l]
Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. ld tukenuug.

tuke-ku-xaar [m.l]
Kuruska geela meesha ugu sarreysa oo baarka ku yaal; haadfuul.

tukenuug [m.l]
ld tukanuug.

tu [mu.ac.dh]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg