unug-gudeed
(m.l) (-dyo, m.dh)

(c.nafl.) Unugyada inta u dhaxaysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh unug-gudeed

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg