uurxumo
(m.dh)

Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uurxumo

uurkutaallo [m.dh]
Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.

uurxumi [m.dh]
ld uurxumo.

ciilqab [m.l]
1. Uurxumo. 2. ld ciilqabid.

ciilqab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
U c.: uurxumo dareemid.

qush [m.l]
1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg