waal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waal

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

maandhay [u.j]
Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

tafiir [m.l] (-ro, m.dh)
Ilmaha ay dhalaan waalidku.

unug-waalid [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.

waalallow [m.l]
Welwel; walaac.

waalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho.

waalasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waalo².

waalay [m.l] (-yo, m.dh)
Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg