waani
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Cid waano u jeedin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waani

waanin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waani.

waansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Cid wax la waaniyey ahaansho.

wacdi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin.

caqliceli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U c.: cid waxay samayn lahayd ka waanin.

diiwaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax diiwaan gelin.

diiwaanin [m.f.dh]
eeg diiwaani.

diiwaaniye [m.l]
ld diiwaanhaye.

gawaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld gawaam.

gawaanin [m.dh]
ld gawaami.

waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg