waano
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waano

waani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid waano u jeedin.

waantow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

kawaano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aantay, -aanatay)
Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.

naseexo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. ld nasteexo.

waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg