waat
(m.l) (-tyo, m.dh)

(fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waat

awood [m.dh]
(fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).

awood-danabeed [m.dh]
(fiis.) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).

dhawaati [m.l]
Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto.

dhawaati [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Geel badan oo isdaba jooga raad samayn.

dhawaatiyid [m.f.dh]
eeg dhawaati².

foolt [m.l]
(fiis.) Summad V. Halbeegga caalamiga ee keyd faraqa ama xoogga danab wadidda (x.d.w.), waxaana loo qeexaa keyd faraqa u dhexeeya laba barood oo ku yaalla gudbiye sida qulqul danab oo le'eg hal ambiyeer, marka awoodda ku baxday laba barood inta u dhexeysa ay tahay hal waat. Waxa loogu magac daray aqoonyahankii Alisaandaroo Foolt.

garawaati [m.l] (-iyo, m.dh)
Maro dhuuban, xariir ka sameysan oo shaarka kulleetigiisa lagu xirt.

kiilowaat [m.l]
Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg