waaxee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-xeeyay, -xaysay)

Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaxee

waaxayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waaxee. ld waaxyayn.

waaxyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
ld waaxee.

garwaaxeed [m.l]
Qaab maro, harag, iwm oo la dhuubay oo si gudub ah loogu xiro sararta hal gacan iyo degta gacanta kal.

garwaaxeedsad [m.l]
ld garwaaxeedsash.

garwaaxeedsasho [m.f.dh]
eeg garwaaxeedso. ld garwaaxaysad, garwaaxaysasho, garwaaxaysi, garwaax.

garwaaxeedsi [m.l]
ld garwaaxeedsash.

garwaaxeedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Maro, harag oo la dhuubay si gudub ah sararta hal gacan iyo degta gacanta kale. 2. Qof fadhiya, jilbaha iyo dhabarka maro isagu xirasho. ld garwaaxayso, garwaaxiids.

waax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg