wacdi
(m.l)

Waano; hanuunis.

wacdi
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wacdi

wacdin [m.dh]
ld wacdiyid.

wacdiyid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wacdi². ld wacdin.

mimbar [m.l] (-rro, m.dh)
(dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. ld mambar, minaawar.

wac [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro.

wac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg