wadaad
(m.l) (-ddo, m.l)

Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadaad

yabaro [m.dh]
Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).

baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi

wadaaddee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.

wadaaddeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wadaaddee.

wadaadnimo [m.dh]
Wadaad ahaansho.

ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.

barahaman [m.l] (-nno, m.dh)
(dii.) Waxay ka mid yihiin wadaaddada ugu sareeya Hinduuga.

dacar [m.l]
Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.

daraawiish [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.

wada [qr.fk]
1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg