wadaag
(m.l)

Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.

wadaag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadaag

baahawadaag [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.

ummad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.

wadaage [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).

wadaagid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wadaag².

xagal-adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.

yake [m.l]
1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.

ahraam [m.dh]
(xis.) Adke salkiisu yahay geesoole iyo dhammaan wejiyada kalena ay yihiin saddex-xagallo wadaaga gees.

alkayn [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.

wada [qr.fk]
1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg