wadaage
(m.l) (-gayaal, m.l/dh)

1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadaage

goobaab [m.dh] (-bo, m.l)
Xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal: dhibceheedu isku in bay wadaageheeda u wada jiraan oo uma kala dhowa. ld goobaabin, koobaab¹, koobaabin.

hantiwadaagee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.

hantiwadaageyn [m.f.dh]
eeg hantiwadaagee.

hilbawadaageen [m.l]
ld hilbawadaag².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg