wadaaji
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iyay, -isay)

1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadaaji

wadaajin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wadaaji.

fillan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ku f.: dhib ama hawl ama wax la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid.

is [mu.dhm.ly]
1. magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tus. “Cali ayaa is faanshay”. 2. magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tus. “Labadoodu waa is waayeen”.

shariig [m.l] (-gyo, m.dh)
Qof jiritaanka Alle cid kale la wadaajiyey.

shariikyeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
U sh.: Cibaadada Eebbe ruux kale la wadaajin. ld shariigyeel.

shirki [m.l]
Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.

shirki [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2]
(iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg