wadaan
(m.dh) (-aamo, m.dh)

Weel harag, cinjir iwm ka samaysan oo gadaw iyo daddoobbo leh oo inta dawlis lagu xiro ceelasha lagu shubo ama biyaha loogala soo baxo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadaan

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

yeel [m.l] (-lal, m.l)
Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.

yeelaal [m.l]
1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.

yeelan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Kab, wadaan iwm wax la sameeyey ahaansho.

dalow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid.

dalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ceel wadaan u ridid (qof).

daruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iwm ceel si degdeg ah ugu ridid.

dooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.

wada [qr.fk]
1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg