wadajir
(m.l)

Wax wada socda.

wadajir
(m.dh) (-ro, m.l)

1. Xisaab laba tiro ama ka badan oo laysku daray waxa ka soo baxa. 2. Naxwo, hal wax ka badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadajir

afarran [m.l]
Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira.

amar [m.l] (-rro/awaamiir, m.dh)
1. Erey ama weer cid lagu farayo inay hawl fuliso. 2. Dhibaato weyn. 3. Kibir iyo qab weyni wadajira. 4. A. Alle: maqaadir Alle.

amarti [m.dh]
Isla weyni iyo kibir wadajira.

awlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Geel badan si wadajir ah u ololid.

dabdheer [m.dh]
1. Dabka lagu dagaallamo oo loogu talaggalay in uu meel fog wax ka dilo, wadajirkiisa. 2. Colka dabkaas sita. 3. Bundug dheer.

dhir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.

ereybixin [m.dh]
1. (nax.) Siinta magac u gaar ah laa siiyo farsamo; fikrad, cilmiyeed iwm. 2. Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo.

ereyfur [m.l]
(nax.) Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo, iyadoo erey walba la qeexayo waxa uu yahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg