wadar
(m.dh)

Tiro ama in mid ka badan. Tus. “W. iyo waaxid”.

wadar
(m.dh)

(xis.) Jawaabta la helo marka laba ama dhawr tiro ama xaddi la isugeeyo.

wadar
(m.dh)

(nax.) Lidka ereyga kelid ah.

wadar*

Wa wax badan 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadar

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

idin [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tus.: “waan idin arkay”.

idinka [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. ld idin². idin

idinna [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban idin 2 iyo na².

taayada [mu.lh.dh]
(kuwayaga, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Taayada lama taaban ka-ro”.

taayada [dk.lh.dh] (-taayada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo².

wadar-xigsineed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Wadar xigsineedka fansaar ee dhawr doorsoome, f(x1, x2, x3,...) waa fansaarka ku siinaya wadarta tibxaha (df/dx2) dxi taas oo i ay u dhexayso 1 ilaa n.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

wad [m.l]
ld wed¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg