waddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waddo

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

laami [m.l] (-iyo, m.dh)
Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iwm oo lagu sameeyo waddooyinka.

tafaal [m.l] (-llo, m.dh)
Wadiiqo yar oo isku xirta laba waddo oo is barbarsocda.

waddaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.

waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.

waddo-caanood [m.dh]
Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.

waddo-dhaan [m.dh]
Dhabbaha dhaanku maro.

waddo-halaq [m.l]
Waddada ay maraan xamaaratadu.

waddo-hunguri [m.l]
ld waddo-caanood.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

wad [m.l]
ld wed¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg