wade
(m.l) (-dayaal, m.l/dh)

1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wade

jaalle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.

saaxiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey.

unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.

unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

akson [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qaybta dheer ee miiqan ee unugga dareen wadka. Waxay ka soo qaaddaa unugyo dareen wade, dareen wadaha unugga jidhka, iyada oo u gudbinaysa organka dhaqdhaqaaqa ama maskaxda.

colwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Qof garwadeen u ah col. 2. Qof colaad iyo xasilooni la'aanta jecel; fidnawale.

daawade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.

dareenwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.

dareewal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg