wadid
(m.f.dh)

eeg wad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadid

daaddihi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid.

gaalli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.

maalingaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn.

ohoomi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax wadid ama hoggaamin.

saawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.

udullubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley jirran si tartiib ah u wadid.

wadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.

xabawari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.

ambaqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Ka a.: arrin ama dood taagneyd meel bilaabid; ka wadid.

dadduuc [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Ku d.: wax culus si khasab ah ku wadid.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

wad [m.l]
ld wed¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg