wadiiqo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Jid yar, dhuuban oo gaaban.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadiiqo

bogdoox [m.l]
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.

dhigdhig [m.dh] (-gyo, m.l)
1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).

diqdiqo [m.dh]
1. Socodka laba meelood si joogto ah laysaga socdo. 2. Waddo dhuuban; wadiiqo. ld diqdiq¹.

gurood [m.l] (-dyo, m.dh)
Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.

jidcaanood [m.l]
1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.

jiqjiq [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
J. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah.

luuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.

qoode [m.l]
1. Kal; mar. 2. Wadiiqo yar lo'du sameyso. 3. ld qoodeyn.

suryo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Wadiiqo yar oo ciriiri ah. 2. Qaab loo qoolo xargaha oo leh siriq isku roorta oo xoolaha toojada ah lagu qabto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg