wakhti
(m.l)

ld waqti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wakhti

saacad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.

ayaantirin [m.dh]
Maalin wakhti gaar ah lagu magacaabay. Tus. “Maalin gaar ah”, “Sannad gaar ah”.

bulshee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-sheeyay, -sheysay)
1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.

burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

cadar [m.l]
1. Wakhti daruuro badan oo aan da'ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da'ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar.

cagi [m.dh]
1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.

geyre [m.l]
1. Dabeyl qabow oo soo dhacda galabnimada xilliga xagaaga. 2. Neecaw udgoon, muddo yar socota, oo galab- nimada wakhtiga kulaylaha ka timaadda xagga badd.

haraaryo [m.dh]
Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.

iftiin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.

moosin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg