waki
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Nafley dhutin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waki

naa'ib [m.l] (-byo, m.dh)
1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.

barasaab [m.l] (-byo, m.dh)
Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.

danjire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.

dhulgoyn [m.dh]
(jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.

ergey [m.l] (-go, m.dh)
1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tus. “Saalax waa ergeyga soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.

hawakicid [m.dh]
ld hiyikicid.

hoos-carreed [m.l]
(jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.

igbo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-baday, -batay)
Cid dood u wakiilasho. ld igmo.

intikhaab [m.l] (-byo, m.dh)
Doorasho dadku u codbixiyo qof loo wakiilanayo barla-maan iwm.

khaliif [m.l]
1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg