walaac
(m.l)Iahawareer; isla-hadal; walwal.
walaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)1. Laba arrin kala doorashadood ku fikirid. 2. Dhibaato yar xal degdeg ah u waayid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh walaac ↴
waalallow [m.l]
Welwel; walaac.
caloolyow [m.l]
Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin. ld caloolyoobid.
caloolyow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid.
dhabannahayn [m.dh]
Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays.
hammi [m.l]
1. Murugo iyo walaac ka dhasha arrin murugsan. 2. Niyad, laab. ld qammi.
hammi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Murugo iyo walaac la kulmid. 2. Ku h.: wax had iyo jeer ku fekerid.
hammisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
qaraaxad [m.dh]
1. Qalab bir, caag iwm ka samaysan oo inta ogsijiin, gaas iwm lagu shubo sigaarka lagu shito, walaacad. 2. Weynaanta cod. 3. Xajmiga iyo weynaanta qof leeyahay.
qulub [m.l]
1. (m.l./dh) Isla hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso. 2. Qaybinta cayaar turub oo la khaldo.
sal-kadhaban [m.l]
Dhibaato qof ku timaadda oo ku dhalisa welwel iyo walaac gayeysiisana inuu ka tago meeshii uu joogay.