walaaq
(m.l)

ld walaaqid.

walaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)

1. Wax la rabo in ay isdhexgalaan qasid. 2. Meel deggan qas ka kicin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh walaaq

laami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Badar karsamaya walaaqid.

falaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhoobo, dambas iwm walaaqid.

falaanji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jyay, -jisay)
Dhoobo, dambas iwm walaaqid.

gurdowalaaq [m.l]
Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.

gurdowalaaqnimo [m.dh]
Gurdowalaaq ahaansho.

irbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Ul yar, dheer, oo madax ballaaran leh, oo soorta marka la karinayo lagu walaaqo; malaankhad.

irbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Soor, irbe ku walaaqid.

malaakhad [m.l] (-dyo, m.dh)
Ul yar, dheer oo madax ballaaran leh oo soorto marka la karinaayo lagu walaaqo; irbe.

malaakhadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Soor malaakh ku walaaqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg