walax
(m.dh) (-lxo, m.l)

Shay; wax. walba s. ld wal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh walax

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.

daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

maagma [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

oomanayn [m.dh]
Biyo ka saaridda walax.

raadar [m.l] (-rro, m.dh)
(fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib mar-kii ay abbaareen walaxda socotay.

raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg