wallac
(m.l)

Xanuun ka dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaana lagu yaqaan: madaxwareer, candhuufo badni, mantag iyo ninka qaba oo ay jamato ama ay nacdo.

wallac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

Wallac dareemid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wallac ↴

uuryaro [m.dh]
Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.

haysimo [m.dh]
1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).

lallabo [m.dh]
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.

lallabo [m.dh]
(daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.

wallacid [m.f.dh]
eeg wallac².

wallacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Naag wax wallac hayo ahaansho.

wallacsanaan [m.f.dh]
eeg wallacsan. ld wallacsanaansho.

wallacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld wallacsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg