wanaag
(m.l)

Wixii fiican oo waxtar leh; samo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wanaag

aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.

ibagorayee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.

u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

qaablaawe [m.l]
1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.

caalami [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.

edeb [m.dh]
Asluub iyo anshax wanaagsan.

edebsami [m.dh]
Anshax ama asluub wanaagsan oo cidi ku sifowdo. ld edebsamo. edebsamo

edebso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.

edebyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg