waqooyi
(m.l)

ld woqooyi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waqooyi

wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

asyab [m.l]
1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari oo doonyuhu uga dhoofaan koonfur-galbeed. 2. Xilliga dabeylaha asyabku dhacaan. ld asjab.

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

bidix [m.dh]
Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.

cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

cimilada lamaddegaanka [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.

dhig [m.dh] (-go, m.l)
(juqr.) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.

dhigdhexo [m.dh]
1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.

jiilaal [m.l] (-llo, m.dh)
(c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).

karan [m.dh]
1. Baargo'idda awr raraynimo loo jarabbaray yeesho. 2. Xilli roob badani ka da'o waqooyi galbeed oo ku beegan bisha Luulyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg