waraab
(m.l)

1. Biyo siinta xoolo oomman biyo la siiyo. 2. W. ah: beer aan roob ku bixin oo webi, il iwm laga biyo siiyo. 3. ld waraabid.

waraab
(m.l)

Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed.

waraab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Biyo cabbid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waraab

naanni [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.

naar [m.l] (-rar, m.l)
Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld naadh.

xabbad [m.dh]
1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.

arar [m.dh]
1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.

araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

bahalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.

balalo [m.dh]
1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku dhaca markay daaqaan geedka balalada. 3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la'aan awgeed baryo lagu waraabshey.

barkinwaraabe [m.l]
Nooc jaadadka likaha ka mid ah oo la cuno. ld barshinwaraabe.

barshinwaraabe [m.l]
ld barkinwaraabe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg