waran
(m.l) (-rmo, m.l)

Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.

waran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waran

waabaayee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo marin.

xalwad [m.dh]
Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iwm oo la cuno.

balfi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².

biyadhig [m.l]
Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.

buuri [m.l]
1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iwm. 4. Buuriga la qiiqiyo.

cawaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax la cawiray noqosho. ld cawiran¹.

cawaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la cawiray ahaansho. ld cawiran².

cirkasoodhac [m.l]
1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.

cuddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. ld cuti².

dabbaan [m.dh]
Fallaar aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban; lama saaro mariid, waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso.

war [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax aan hore loo ogeyn oo laysu sheego. 2. Hadal.

war [m.dh] (-ro, m.l)
Meel weyn oo la qoday oo biyuhu fariistaan.

war [u.j]
ld waryaa.

war [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax qorrax iyo dabayl u dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg