waxyeellee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-leeyay, -laysay)

Cid waxyeello gaarsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxyeellee

casiimo [m.dh]
Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. ld casiimad.

cayayaandile [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-layaal, m.l/dh)
(kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.

hangaggurro [m.dh]
1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. ld hangaggurreyn.

hargaamo [m.dh]
Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.

shirqool [m.l] (-llo, m.dh)
Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.

waxyeellayn [m.f.dh]
eeg waxyeellee.

waxyeellaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la waxyeelleeyey ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg