waxyeello
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhibaato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxyeello

ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. baabba

jaa'ifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.

nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

nabad [m.dh]
1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.

nabadbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.

tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

waaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka w.: dhib ama waxyeello hore ka so kabasho.

aarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.

asaaye [m.l]
Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.

balwad [m.dh] (-do, m.l)
1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.

waxyeel [m.l]
ld waxyeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg