way
(Erey Dareen | Exclamation)

Eray lagu muujiyo xanuun ama oggolaashadarro.

Xaydhowayn*

Cayayaan yaryar oo baalalay eh oo jecel iftiin inta badan waxa aad ku arkaysa nalalka ilayska ah iyaga oo ku wareegaya .


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh way

haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.

haasaawayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haasaawee. ld haasaawin. haasaawee, haasaawin

laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.

saawayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saawee. ld sawayn.

taayada [dk.lh.dh] (-taayada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo².

aaway [e.we]
Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay “xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye, away, awday.

aawaye [e.we]
ld aaway.

alluumiiniyam ogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Budo cad oo aan biyaha ku milmin. Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba sababta oo ah waa laba-eefle.

w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg