webi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Biyo xoog leh oo durudur iyo togba ka weyn oo aan badanaa go'in.

webi
(m.l) (-iyo, m.dh)

(juqr.) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.

webi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Cid wax u diyaarin. 2. Cid qaddarin la'aan u muujin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh webi

maab [m.l] (-bab, m.l)
Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada. khariiddada

daad [m.l] (-dad, m.l)
1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.

daad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

jaariile [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

laag [m.dh] (-go, m.l)
1. (juqr.) Togagga iyo webiyadu meesha ay badda uga darmaan. 2. (bot.) Geedku meesha uu labada qaybood uga kala baxo; labalaako. ld lag (4).

laag [m.dh] (-go, m.l)
(juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.

laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.

laagwebi [m.dh] (-go ..., m.l)
(juqr.) Laan ama farac ku darmaya mid kale oo ka weyn oo webi.

waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg