weecin
(m.f.dh)

eeg weeci.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weecin

babac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bcay, -bacday; -bci)
1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.

balfi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².

barriiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.

bayri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax toos u socday, dhinac u weecin.

dabbaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Wax jahaday u socdeen mid ka duwan u weecin; soo celin (xoolo).

fasahaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dawga toosan ka weecin. 2. Cid kibrin.

feyd [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid.

gabbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nabar la soo tuuray balfin, weecin, celin.

habaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof marinka toosan ka weecin.

iil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(iilay, iishay) Wax inyar weecin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg