weel
(m.l) (-lal, m.l)

Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weel

aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.

aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc

saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye

aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi

baabbah [m.dh]
1. Noqoshada wax uu eber noqdo. 2. Baabbah ah: weel aan waxba ku jirin. 3. Baabbah ah: meel aan waxba oollin.

gaadaar [m.dh]
1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

haan [m.l] (-nan, m.l)
1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.

haan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.

maalis [m.dh]
1. Weel biyood ama caanood. 2. ld maalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg