weerarid
(m.f.dh)

eeg weerar². ld weerarniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weerarid

bogdoox [m.l]
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

dhexdhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.

kici [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.

tafwareemo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eentay, -eematay)
1. Xoolo la soo dhacay bar goosasho. 2. Col dhinac ka weerarid. ld tafwareen.

weerarniin [m.l]
ld weerarid.

weerar [m.l]
Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado.

weerar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid duullaan ku qaadid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg