weeye
(Qurub | Diirad, Particle | Focus)

Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tus. “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. ld waaye, weeyaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weeye

waaye [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld weeye.

waayo [Xiriiriye | Conjunction] (nax.)
Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.

buro [m.dh]
(daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.

dhidid [m.l]
(c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.

emfiseema [m.l]
(daaw.) Ereygu wuxu ka soo jeedaa gariig micnihiisuna waxa weeye “dabeyl gashay soohyada” waxaase loo isticmaalaa xaalad cudur gaar u ah sambabada taaso ay keentay jiidmadii iyo isku soo roorkii (elasticity) sambabada oo luntay. Waxa yaraada isdhaafshadii O2 iyo CO2 markas waxaa timaadda dhibaato neefsasho.

kaarboohaydrayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.

maxay [e.we]
1. Erey weyddiimeed oo ka kooban 'maxaa'iyo 'ay', labo xaaladood ayaana loo adeegsadaa, sida: a) “Waa maxay?”; b) “Maxay doonaysaa ama doonayaan?” 2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye; maxaawacay; maxaayeelay; waayo. Tus. “Shalay kuuma imaan, maxaajiraa, hawl baan lahaa”.

midxin [m.dh] (-no, m.dh)
(baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.

mindhicir [m.l] (-rro, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg