wehelin
(m.f.dh)

eeg weheli. ld wehelis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wehelin

la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

waaxid [m.l]
1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.

keli [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹.

keli [m.dh]
Wax aan la wehelin. ld kali.

muddug [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Aan la wehelin; keli ah. 2. Aan waxba sidan; qaauan. 3. Faro maran; aan hanti lahayn.

mutux [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. M. ah: qof qaawan. 2. M. ah: qof keli ah oo aan cidi wehelin. 3. M. ah: hadal aan asluub iyo xishood lahayn. ld matax¹.

mutuxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)
1. Qof keli ah oo cidi wehelin ahaansho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn ahaansho. 3. Qof qaawan ahaansho. ld mataxan.

mutuxnow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
1. Qof keli ah oo cidi wehelin noqosho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn noqosho. 3. Qof qaawan noqosho. ld mataxnow.

suke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. ld soke².

wehel [m.l]
Nafley, nafley kale la jirta oo ka ilaalinaysa cidloodka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg