wehelis
(m.l)

ld wehelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wehelis

kaahfalid [m.dh]
(fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.

waafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.

dhuus [m.dh]
Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. ld dhuuso.

jadeeco [m.dh]
(daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.

jidbo [m.dh]
(dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.

kal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.

mataatax-biita [m.l] (-xo ..., m.l)
(fiis.) Doorsoonka kaahfaleed ee bu'atam ay noqoto iskugodka atamka xiga, ayna weheliso bixinta elektaroon ama burotoon bu'da soo baxda waxa ay leedahay cuf atameed le'eg tan bu'da asalka ah, waxase ay ku kala geddisanyihiin tiro atameedka xaddi hal ah.

mooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. ld moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iwm lagu tumo. 2. ld mooy (2) M. ah: neef lo'ah oo aan geeso lahayn. mooyee qr. ld mooyaane. mooyiye qr. ld mooyaane.

wehelin [m.f.dh]
eeg weheli. ld wehelis.

wehel [m.l]
Nafley, nafley kale la jirta oo ka ilaalinaysa cidloodka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg