weji
(m.l) (-iyo, m.dh)

Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. ld waji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weji

qaabbil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. hortayda, tooskayga

jaah [m.l]
1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).

jaa'ifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.

idif [m.l]
1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.

jaa'ifo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.

jabhad [m.dh] (-do, m.l)
1. Weji. 2. Urur u halgama xurriyad iyo madaxbannaani.

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

oog [m.dh] (-go, m.l)
1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.

uumibax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.

uumihoorow [m.l]
(fiis.) Isbeddelka uumi ama neef ay ku noqoto hoor. Weji-gaddoonkaasi waxa wehesha kul baxa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg