weled
(m.l)

1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weled

awlaad [m.dh]
1. eeg weled. 2. Carruur.

beeryaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.

caloolweynad [m.l]
Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu'; weled. ld uurweynaad.

wille [m.l]
Dhagaxa kore ee maxdinka; weled.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg